Digital skills

Wax badan ka ogoow Branding Guidlines iyo sida aad ku sameysan karto

Brand guidelines (ama tilmaamaha brand-ka) waa dukument muhiim ah oo ka caawiya shirkadaha iyo ururrada inay ilaaliyaan joogteynta iyo aqoonsiga astaantooda. Ducometigaan wuxuu qeexayaa sida calaamadda(Logada), midabbada, farta (fonts), iyo qaybo kale oo muhiim ah loo isticmaalo si loo hubiyo in dhamaan wax waliba loogu isticmaalo sida loogu talagalay. Haddii aad rabto inaad samayso brand guidelines, Hoos ayaa kuugu diyaarinay meelaha aad ka heli karto

Muxuu ka koobanyahay Brand Guidelines?

  1. Logo: Sharaxaad faahfaahsan oo ku saabsan sida loo isticmaalo astaanta(Loogada).
  2. Midabada: Liiska midabada rasmiga ah ee brand-ka iyo codes-ka(Code) ay adeegsadaan sida HEX, RGB, iyo CMYK.
  3. Fonts: Farta rasmiga ah ee brand-ka iyo qaababkeeda kala duwan (bold, italic, iwm), iyo sida loo isticmaalo qoraalka.
  4. Codka iyo Qaabka: Tilmaamaha codka iyo qaabka loo isticmaalo qoraallada iyo farriimaha suuq-geynta.
  5. Layout iyo Naqshadeyn: Qaab-dhismeedka guud ee dokumentiyada, warqadaha, boorarka, iwm.

Meelo Laga Heli Karo Templates-ka Brand Guidelines-ka

Waxaa jira meelo badan oo laga heli karo templates diyaar ah oo aad isticmaali karto:

  1. Canva: Canva waxay bixisaa templates badan oo lacag la’aan ah iyo kuwa lacag ah oo aad u habeyn karto si aad ugu jaangooyso baahiyahaaga. Waxaad ka heli kartaa templates-ka halkan.
  2. Template.net: Boggan wuxuu leeyahay templates kala duwan oo lacag la’aan ah iyo kuwa lacag ah oo ku habboon tilmaamaha brand-ka. Waxaad ka heli kartaa halkan.
  3. Adobe Stock: Haddii aad adeegsato Adobe Products, waxaad ka heli kartaa templates tayo sare leh oo laga helayo Adobe Stock. Waxaad ka heli kartaa halkan.
  4. Envato Elements: Envato Elements wuxuu leeyahay xulasho badan oo templates ah oo loogu talagalay brand guidelines. Waxaad ka heli kartaa halkan.
  5. Haddii aad isticmaasho Photoshop iyo Illustrator kala deg halkaan iyagoo free ah https://shorturl.at/XqXHy

Gabagabo

Tilmaamaha brand-ka(Brand guidelines) waa Ducoment muhiim ah oo ka caawinaya shirkadaha inay ilaaliyaan qaabka loo isticmaalo astaantooda. Isticmaalka templates-ka diyaar ah wuxuu noqon karaa meel wanaagsan oo laga bilaabo haddii aadan lahayn waqti ama khibrad ku filan oo aad ku sameyso mid cusub. Waxaa muhiim ah inaad hubiso in tilmaamahaaga brand-ka ay ka tarjumayaan qiimahaaga iyo waxa ka dhiga astaantaada mid gaar ah.

Admin

Recent Posts

5 Website aad ka shaqeyn karto haddii aad taqaan xirfadaha Digitalka

Haddii aad taqaan mid kamid ah Xirfadaha Digitalka ah waxaad fursad u heeystaa inaad ka…

1 month ago

Sida Teknolojiyaddu u Bedelaysa Suuqa Shaqada Mustaqbalka(AI)

AI iyo Xirfadaha Digitalka: Sida Teknolojiyaddu u Bedelaysa Suuqa Shaqada Mustaqbalka Hordhac Teknolojiyadda Casriga ah…

5 months ago

5 Course oo free ah ayaan halkaan kuugu diyaarinay

4 Courses oo Free ah ayaa kuu Diyaarinay Ma doonaysaa inaad xirfado cusub barato adigoo…

6 months ago

Sida aad Waqti kooban ugu qaban karto shaqooyinkaaga

Sida aad Waqti kooban ugu qaban karto shaqooyinkaaga 1. Naqshadeeynta(Graphic design) Haddii aad tahay qof…

6 months ago

Sida uu u shaqeeyo Chatgpt, wax badan ka ogoow.

Waa maxay Chatgpt siduuna u shaqeeyaa ? Waa maxay chatGPT sidee u shaqeeyaa ? waxaa…

7 months ago

Waa maxay digital marketing iyo sida ay u shaqeeyso

Digital marketing waa kulmiyaha aladaha suuqgeynta ee adegsado Internet ka, sida SEO (Search Engine Optimization) , Blog website yadaa iyo Social media gaa…

7 months ago