Brand guidelines (ama tilmaamaha brand-ka) waa dukument muhiim ah oo ka caawiya shirkadaha iyo ururrada inay ilaaliyaan joogteynta iyo aqoonsiga astaantooda. Ducometigaan wuxuu qeexayaa sida calaamadda(Logada), midabbada, farta (fonts), iyo qaybo kale oo muhiim ah loo isticmaalo si loo hubiyo in dhamaan wax waliba loogu isticmaalo sida loogu talagalay. Haddii aad rabto inaad samayso brand guidelines, Hoos ayaa kuugu diyaarinay meelaha aad ka heli karto
Muxuu ka koobanyahay Brand Guidelines?
- Logo: Sharaxaad faahfaahsan oo ku saabsan sida loo isticmaalo astaanta(Loogada).
- Midabada: Liiska midabada rasmiga ah ee brand-ka iyo codes-ka(Code) ay adeegsadaan sida HEX, RGB, iyo CMYK.
- Fonts: Farta rasmiga ah ee brand-ka iyo qaababkeeda kala duwan (bold, italic, iwm), iyo sida loo isticmaalo qoraalka.
- Codka iyo Qaabka: Tilmaamaha codka iyo qaabka loo isticmaalo qoraallada iyo farriimaha suuq-geynta.
- Layout iyo Naqshadeyn: Qaab-dhismeedka guud ee dokumentiyada, warqadaha, boorarka, iwm.
Meelo Laga Heli Karo Templates-ka Brand Guidelines-ka
Waxaa jira meelo badan oo laga heli karo templates diyaar ah oo aad isticmaali karto:
- Canva: Canva waxay bixisaa templates badan oo lacag la’aan ah iyo kuwa lacag ah oo aad u habeyn karto si aad ugu jaangooyso baahiyahaaga. Waxaad ka heli kartaa templates-ka halkan.
- Template.net: Boggan wuxuu leeyahay templates kala duwan oo lacag la’aan ah iyo kuwa lacag ah oo ku habboon tilmaamaha brand-ka. Waxaad ka heli kartaa halkan.
- Adobe Stock: Haddii aad adeegsato Adobe Products, waxaad ka heli kartaa templates tayo sare leh oo laga helayo Adobe Stock. Waxaad ka heli kartaa halkan.
- Envato Elements: Envato Elements wuxuu leeyahay xulasho badan oo templates ah oo loogu talagalay brand guidelines. Waxaad ka heli kartaa halkan.
- Haddii aad isticmaasho Photoshop iyo Illustrator kala deg halkaan iyagoo free ah https://shorturl.at/XqXHy
Gabagabo
Tilmaamaha brand-ka(Brand guidelines) waa Ducoment muhiim ah oo ka caawinaya shirkadaha inay ilaaliyaan qaabka loo isticmaalo astaantooda. Isticmaalka templates-ka diyaar ah wuxuu noqon karaa meel wanaagsan oo laga bilaabo haddii aadan lahayn waqti ama khibrad ku filan oo aad ku sameyso mid cusub. Waxaa muhiim ah inaad hubiso in tilmaamahaaga brand-ka ay ka tarjumayaan qiimahaaga iyo waxa ka dhiga astaantaada mid gaar ah.