Moqdisho- Somaliya: 10-Oct-2025
Google ayaa ku dhawaaqday in ay bilaash ka dhigtay adeeggeeda Google AI Pro muddo hal sano ah, ardayda jaamacadaha ee dalal dhowr ah oo Afrikaan ah, oo ay ku jirto Kenya. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha Google ee lagu ballaarinayo helitaanka aaladaha caqliga macmalka ah (AI) ee ardayda qaaradda Afrika.
Maxay Fursaddani Tahay?
Ardayda jaamacadaha ee Kenya waxay heli doonaan adeegyo awood leh oo ay ka mid yihiin:
- Gemini 2.5 Pro: Aalad casri ah oo bixisa jawaabo faahfaahsan, falanqeysa xogaha, isla markaana diyaarin karta qoraallo xogo lahubo leh.
- Deep Research: Qalab awood u leh in uu sameeyo cilmi-baaris dhammaystiran oo leh tixraacyo sax ah.
- NotebookLM: Kuu fududeynaya abaabulka qoraallada iyo natiijooyinka cilmi-baarista.
- Veo 3: Abuurista muuqaallo gaagaaban oo macna leh ugana faaideysan karto ganacsigaaga.
- 2 TB keyd a Googleh Drive iyo Gmail.
Diiwaangelintu waxay socon doontaa ilaa 9 December 2025.
Maxay Soomaaliya uga Dhigan Tahay?
Go’aanka Google wuxuu imanayaa xilli Soomaaliya ay si xawli ah ugu socoto dhanka dijitaalka iyo hal-abuurka teknolojiyadda, iyadoo jaamacadaha iyo ururrada dhalinyarada ay sii kordhinayaan barnaamijyada waxbarasho ee online-ka ah.
Soomaali badan oo ku nool Kenya, gaar ahaan ardayda, ayaa si toos ah uga faa’iideysan kara fursaddan. Tani waxay noqon kartaa dariiqa lagu kobcinayo xirfadaha caqliga macmalka ah, taas oo kor u qaadi karta aqoonta iyo hal-abuurka mustaqbalka dalka.
Gunaanad
Barnaamijka Google AI Pro Free waa fursad dahabi ah oo ay dhalinyarada Soomaaliyeed ka faa’iidi karaan si ay u bartaan AI, u abuuraan xalal cusub, una noqdaan hormuudka isbeddelka dijitaalka ee gobolka.
